Jeneraal Mahad oo dib loogu magacaabay xilka taliyaha ciidanka Asluubta

Apr. 06 (Jowhar.com)-Golaha Wasiirrada ayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta u magacaabay General Mahad Cabdiraxmaan Aaden,oo ay soo jeedisey Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Generaal. Mahad Cabdiraxmaan ayaa haatan ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana lagu soo doortay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Magacaabidii Taliyaha Asluubta Gen. Mahad Abdirahman (Taliye Shub) labo qodob ayay muujineysaa?

1- Wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh xoojiyay awooddii Madaxweyne C/casiis Lafta Gareen iyo jidkii uu ku soo laaban lahaa mar kale.

2- Is bedelkii dhacay 15 May oo u muuqda xukun ay isku bedeleen labo shaqsi, balse afkaartii iyo dadkii hormuudka u ahaa hab dhaqankii hore ay weli joogaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More