Jubaland oo shaacisay bartilmaameedkeeda wajiga 2aad ee howlgalka Shabaab

Feb. 10 (Jowhar.com-Maamulka Jubaland ayaa ciidamadii ugu badnaa geeyay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo laga wado abaabulka guluf dagaal oo ka dhan ah Shabaab.

Ciidamadaasi oo laga qaaday degmada Dhoobleey ayaa lagu wadaa iney weerar ku qaadaan degmooyinka Bu’aale iyo Jilib oo ah saldhigyada ugu waaweyn Shabaab ay ku leeyihiin dalka, qorshaha ayaa ah in mudo kooban degmooyinkaas la weeraro, walow Shabaabku qudhooda ay difaacyo waaweyn sameysteen.

Wasiirka Wasaaradda amniga maamulka Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal oo howlgalkan hoggaaminaya ayaa sheegay iney u diyaar garoobeen la wareegista dhamaan deegaanada maamulkooda ka maqan oo ay heysato kooxda Al-Shabaab.

“Howlgalkaan waxaan dooneyna in Shabaab isaga xureyno miyi iyo magaalo intaba, anaga dhan dhimasho ayaan ku ilaaheey ugu xukumanahay mar hadaan dhimaneyna intaa si xun u noolaan laheyn waa inaan si wanaagsan u noolaano oo aan iska dhicino cadawga Shabaab iskana xureyno” ayuu yiri Wasiirka amniga Jubbaland Yuusuf Dhuumaal.

Si kastaba, khuburada amaanka ayaa tilmaamaya in hadii Shabaab dagaal looga furo Jubaland ay noqon doonto culeys hor leh oo gaaray kooxdaasi, taasoo gogol xaar u noqoneyso soo afjarmida awoodii kooxda xiriirka la leh urur weynaha Al-Qaacida.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More