Kenya iyo Jabuuti oo diidan in ciidamada ATMIS laga saaro Soomaaliya

Jun. 12 (Jowhar.com)-Dowlaha Jabbuuti iyo Kenya ayaa ka horyimid in la dhimo ciidamada shisheeye ee ATMIS ee Soomaaliya, ka dib markii dhawaan ay Taliska ATMIS iyo Dowladda Federaalku isku raaceen in ilaa 2,000 askari laga saaro dalka.

Geelle iyo Ruto ayaa tilmamaay in aysan weli Soomaaliya isku filnaansho amni gaadhin.

“Annagoo ah dalalka ciidamada ku deeqay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) waxaan ku heshiinnay in shir-madaxeedka IGAD ee soo socda in looga hadlo qorshaha kala guurka Soomaaliya iyadoo la ilaalinayo guulaha ay gaareen AMISOM/ATMIS.” ayaa lagu yiri bayaan ay wadajir usoo saareen.

Si kastaba, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa la filayaa inuu dhimo 2,000 oo askari marka la gaaro bishan June 30-keeda, si masuuliyadda amniga loogu wareejiyo ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More