Kenya oo adkeysay xadka Soomaaliya, cabsi laga qabo firxadka Shabaab.

Dec. 11 (Jowhar.com)-Dowladda Kenya ayaa adkeysay amniga gobolka Waqooyi Bari Kenya oo xad la wadaago Soomaaliya, waxeyna ciidamo badan soo dhoobtay xadka, iyagoo si aad ah u feejigan

Sida lagu daabacay majaalda Afka Dheer ee The Star, Xukuumadda Nairobi ayaa talaabadan u qaaday si ay uga hortagto in dagaalamayaasha Shabaab ee laga soo saarayo gobolada dalkan ay u baxsadaan deegaano kamid ah Waqooyi Bari Kenya.

Saraakiil Kenyan ah ayaa sheegay in meelaha amnigeeda sida weyn loo adkeeyay ay qeyb ka tahay Mandheera, Wajeer iyo Gaarisa, waxaana howlgalo culus wada ciidamadda amniga ee goobahaasi la geeyay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu qaaday dagaal saddex waji ah;Mid milatari, Mid dhaqaale iyo Fikir, waxeyna taasi keentay in kooxda laga saaro deegaano muhiim u ahaa oo dhaca Hirshabelle iyo Galmudug, waxaana haatan loo birtumanayaa deegaanada kale ee gobolada dalka ay kaga suga yihiin.

Khuburada amaanka ayaa qaba aragti ah in kooxdan culeyska saaran darteed uu sababi karo iney u baxsadaan wadamada deriska, halka qaar kale ay sheegayaan iney doonyo ugu tilaabi karaan dalka Yemen, halkaasoo ay gabaad ka heli karaan. Kenya oo adkeysay xadka Soomaaliya, cabsi laga qabo firxadka Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More