Khasaaraha dadka ku dhintay dagaalka Laascaanood oo sii kordhaya

Feb. 12 (Jowhar.com- Magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa maalintii todobaad ku waabariisatay dagaal culus oo halkaasi ka socda.

Dagaalka xoogiisa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in haatan uu ka socdo deegaanada Gooye, Mooragaan iyo aaga xerada Qooja-cadde oo ku taalla duleedka Laascaanood

Wararka la helayo ayaa sheegay in ciidanka maamulka Somaliland ay magaalada si aan kala sooc lahayn ugu garaacayaan hubka culus ee kaarayaasha.

Magaalada ayaa wali wajaheysa jawi colaadeed, iyadoo ay burburtay xabad joonintii ay habeen kahor kudhawaaqday Somaliland, mana muuqato cid isu xilqaantay iney u kala dabqaado dhinacyada diriraya.

Shalay oo u danbeysay Cabdisalaan Muuse oo ahaa dhakhtar bisha cas la shaqeeya ayaa ku geeriyooday hub culus oo ugu tagay goobtiisa shaqo.

Daladaha samafalka ayaa ku baaqay in marin ammaan ah loo helo gurmadka bini’aadantinimada ee diyaarka ah, si dadka dhibaateysan ay caawimaad u helaan.

Si kastaba, In ka badan 100 ruux ayaa illaa hadda la xaqiijiyey in ay ku nafwaayeen colaadan galaysa maalintii 7-aad, waxaana meelaha qaar laga soo sheegayaa xaalado adag oo dhanka nolosha ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More