Koox hubeysan oo weerar khasaare dhaliyay ku qaaday xarun ganacsi oo ku taala Boosaaso

Apr. 06 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo koox hubeysan xalay ay ku qaaday xarun ganacsi oo lagu magacaabo al-Macruuf Supermarkets oo ku taala magaalada Boosaaso.

Wararka ayaa tilmaamaya in dableyda hubeysan ay marka hore toogteen waardiyihii xarunta, iyagoo intaasi kadibna bambaanooyin ku tuuray xarunta, kuwaasoo dhaliyay inuu dab xooggan ka koco xaruntaasi ganacsi.

Gawaarida dab damiska iyo gurmadyo kala duwan oo soo gaaray goobta ayaa dhaliyay in lagu guuleysto daminta dabkaasi, waxaana jiro khasaare u badan dad ku neefqabtimoobay dabka oo goobaha caafimaadka loola cararay iyo burbur xooggan oo gaaray xaruntaasi ganacsi.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee ceynkiisa ah ee lagu qaado xarun ganacsi oo dalka ku taala, waxaana illaa iyo hadda jirin cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi

Si kastaba, Al Macruuf Supermarket waa mid ka mida goobaha ganacsi ee ugu waaweyn Magaalada Boosaaso, waana goobtii uu ka dukaameystay Madaxweyne Cabdullaahi Farmaajo 12-kii bishii January ee sanadkii 2018, markaas oo socdaal uu ku marayay deegaanada Puntland.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More