Kooxo hubeysan oo dil ka geysatay degmada Afgooye

Aug 29 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil saaka ka dhacay xaafada Fayuuma degmada Afgooye ee gobolka Sh.hoose.

Wararka ayaa sheegaya in kooxo bistoolado ku hubeysan ay toogteen nin Oday ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabaas Cusman Abshiroow oo kamid ahaa dadka ku nool degmadaasi.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in marxuumka oo ku shaqeysan jiray gawaarida nooca raaxada ah ee loo yaqaano Taxi, iyadoo rasaasta ay ka haleeshay qeybaha sare ee jirka.

Ciidamada amaanka oo gaaray goobta dilka uu ka dhacay ayaa sameeyay howlgalo baaritaano ah, iyagoo ku guul dareystay iney gacanta kusoo dhigaan danbiilayaashii falkaasi dilka ah geystay.

Meydka marxuumka ayaa loosoo qaaday xarunta baarista danbiyada ee C.I.D, lamana oga sababta loo beegsaday ninkan oo Afgooye aad looga yaqaanay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More