Kooxo hubeysan oo Imaam Masjid ku dishay magaalada Muqdisho

Feb. 13 (Jowhar.com-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo bistoolado ku hubeysan ay aroortii hore ee saaka ku dileen degmada Wadajir wadaad caan ka ahaa degmadaasi.

Marxuumka oo xiliga la dilay kasoo baxay Masjidka Maqaamul Ibraahim ee kuyaalla agagaarka Jaayga degmada Wadajir oo uu Imaam ka ahaa ayaa lagu magacaabi jiray sheekh Mukhtaar Cabdi Xaamud.

Rasaasta oo ka haleeshay qeybaha sare ee jirka ayaa dhalisay inuu durba isla goobta ku geeriyoodo, walina lama cadeyn sababta rasmiga ah ee ka danbeysa dilkiisa.

Kooxihii falkan dilka ah geystay oo ilaa saddex ruux lagu sheegay ayaa goobta isaga baxsatay kahor inta aysan soo gaarin laamaha amaanka, kuwaasoo sameeyay howlgal aan wax natiija ah ka dhalan.

Si kastaba, Ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi, iyadoo kooxda Al-Shabaab oo haatan wajaheysa dagaal culus oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka iyo dadka deegaanka ay culyes xoogan soo saartay magaaladan Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More