Kooxo hubeysan oo nin nabadoon ahaa ku dishay magaalada Muqdisho.

Sept. 15 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil gelinkii danbe ee shalay magaalada Muqdisho loogu geystay nabadoon si weyn looga yaqaanay caasimadda.

Nabadoonka la dilay oo lagu magacaabi jiray Xuseen Xaayoow Xalane waxa ay toogashadiisa ka dhacday degmada Yaaqshid, iyadoo kooxo bistoolado ku hubeysan ay dhowr xabadood uga dhufteen qeybaha ee jirka xili uu gaari ku sameysanayay garaash ku yaala halkaasi.

Saraakiil laamaha amaanka ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in dilka marxuumkaasi ay ka dambeeyaan kooxda Al-Shabaab, waxeyna tilmaameen in nabadoonkaasi uu kamid ahaa Odayaasha hormuudka u ah dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dadka deegaanka ay ka wadaan gobolka Hiiraan.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in nabadoon Xuseen Xaayoow uu dhawaan ka yimid dhinaca degmada Maxaas oo kamid ah meelaha ugu daran ee dhibaatada loogu geystay kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, majirto ilaa iyo haatan wax war ah oo dilkaasi ay ka soo saartay dowladda Soomaaliya, iyagoo ku fahsilmay soo qabashada danbiilayaashii toogashadaasi geystay.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More