Kudhowaad 100 xildhibaan oo saxiixay mooshin mudo kordhin loogu sameynayo Xassn Sheekh

Feb. 14 (Jowhar.com-In ka badan 60 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa saxiixay mooshin lagu kordhinayo in waajibaadka Baarlamaanka Federaalka laga dhigo muddo shan sano ah, taasoo qeyb ka ah qorshaha muddo kororsiga sanadka ee ay horay u sameysteen Dowlad Goboleedyada.

Inkastoo muddo xileedka Baarlamaanka labada Gole iyo Madaxweynaha aanu muddo sanad ah gaarin, haddana waxaa muuqata in loo sii diyaar garoobayo muddo kororsi hor leh.

Xasan Sheekh ayaa hormuud u ahaa siyaasiyiinta diidaneyd mudo kororsi in loo sameeyo madaxweynihii hore Farmaajo, iyadoo muranka mudo kororsigaasi uu isu rogay gacan ka hadal, waxaana lagu dagaalamay magaalada Muqdisho.

Muddo kororsigan halka sano ee la diyaarinayo iyo muddo kororsigii labada sano ee horay loo diiday ayaa ku kala duwan waqtiga lagu soo aadiyay, waxaana la sugayaa sida ay noqoto falcelinta lagala hortago muddo kororsigan aan waqtigiisa la gaarin.

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More