Kulankii xildhibaanada oo furmay iyo doorashada oo goordhow bilaabaneyso

April 28(Jowhar.com)- Waxaa goordhow magaaladda Muqdisho gaar ahaan xarunta Afisyooni ka furmay kulanka xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo xarunta ay soo xaadireen mudanayaal badan.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ah doorashada gudoomiye ku xigeenka 1aad iyo guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha shacabka BJFS, waxaana fadhiga soo xaadiray 195 xildhibaan, sida ay shaaciyeen guddiga loo xilsaaray doorashada gudoonka golaha shacabka.

Yaa u sharaxan xilalkan?

Gudoomiye Xigeenka koowaad waxaa u sharaxan.

1: Maxamad Cumar Caana nuug
2: Maxamad Cumar Ceymoy
3: Sacdiya Xaaji Yaasiin
4: Maxamad Nuur Abubakar Shariif Mustafa
5: Maxamad Cabdiqadir Jeego
6: Cabdiraxman Cabduqaadir Cadde
7: Cabdikariin Cabdow Xeydar.

Gudoomiye xigeenka labaad waxaa u sharaxan.

1: Cabdulaahi Cumar Abshirow
2: Mahad Cabdalla Cawad
3: Maxamad Xuseen Abuukar
4: Asad Cabdirisaaq Maxamad
5: Axmad Aadan Axmad
6: Saciid Maxamad Cali

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More