Kursiga uu u tartamayo Fahad Yaasin oo dib loo dhigayo

Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa la sheegay inuu ku cadaadinayo guddiga hirgelinta doorashada ee heer Federaal inuu joojiyo qabashada doorashada kursiga HOP 86, kaasoo uu doonayo Fahad Yaasiin oo la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya.

Sida ay qortay BBC Somali xubno ka tirsan guddiga oo ka gaabsaday in magacyadooda la shaaciyo ayaa BBC Soomaali u sheegay in ra’iisal wasaaraha uusan sheegin sababta uu u rabo in dib loo dhigo doorashada kursigaas oo uu hadda ku fadhiyo Faarax Sheekh Cabduqaadir oo hadda howlo caafimad dalka uga maqan.

Hase yeeshee illaa iyo hadda lama oga in guddiga doorashada uu aqbalay codsiga Ra’isul Wasaare Rooble.

Kursiga HOP 86 ayaa waxa uu ka mid yahay 13 kursi oo dhawaan guddiga doorashada Hirshabelle ay shaaciyeen in doorashadooda dhawaan ay ka dhacayso magaalada Beledweyne.

Fahad Yaasiin ayaan illaa iyo hadda shaacin inuu u tartamayo kursigan hase yeeshee waxaa sii kordhiyay tuhunka ah inuu doonayo kursigan kadib markii labo maalin kahor laga celiyay garoonka diyaaradaha guddomiye ku xigeenka golaha shacabka Cabdiweli Muudey oo doonayay inuu u safro magaalada Baraawe si uu isugu sharaxo kursi yaal magaalada Baraawe.

Wararka ayaa sheegaya in Fahad Yaasiin uu ka dambeeyay ka horistaagida Cabdiweli safarka Barawe uuna doonayo inuu isu sharaxo xilka guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More