Askari diley darawal Mootobajaaj oo dil toogasho ah lagu ridey

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday askari ka tirsanaa ciidamada oo lagu helay dambi ah inuu diley darawal Mootobajaaj.

Xasan Maxamuud Dhiblaawe oo ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka ayaa bishii August 17-Keedii 2019 dilay Marxuum Maxamed Cawil Jaamac oo ahaa Bajaajle.

Ciidamada dowlada ayaa gacanta ku soo dhigey gacan ku dhiigle Xasan Maxamuud Dhiblaawe December sanadkii tegay kadib markii uu baxsaday.

Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegtay in uu heysto fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More