Kusimaha madaxweynaha dalka oo amar culus dul dhigay saraakiisha amniga.

June 23 (Jowhar.com)-Ku-simaha madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlaayey Amniga guud ee dalka iyo u diyaar garowga maalmaha xuriyada.

Kulanka oo diirada lagu saaray xaalada Amniga dalka gaar ahaan ka shaqeynta maalmaha xuriyadda iyo sidii ay ugu qabsoomi lahaayeen si nabad ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaay saraakiisha Amniga qeybahooda kala duwan Sida Taliye kuxigeenada booliska iyo Milatatiga, Kusimaha taliyaha Asluubta iyo Taliyayaasha Booliska iyo Nabad Sugida gobolka Banaadir.

ku-simaha madaxweynaha dalka ahna Guddomiyaha Golaha Shacabka ayaa laamaha Amaanka faray inay muujiyaan feejig naan dheeraad ah inta lagu guda jiro maalmaha xurriyadda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More