Maamulada diyaaradaha oo ku dhawaaqay iney joojinayaan Duulimaadyadii gudaha dalka.

June 18 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dhamaan shirkadaha diyaaradaha dalka ay ku dhawaaqeen in laga bilaabo beri ay joojinayaan duulimaadyadii ay ku tagi jireen gobolada dalka.

Qoraal ka soo baxay maamulada shirkadah diyaaradaha ayaa lagu wargeliyay talaabadan Wasiirka Gaadiidka iyo Duilista iyo Maareeyaha hay’ada Duulista, iyadoo lagu eedeeyay iney wax ka qaban waayeen cabasho ku aadan sugida amniga diyaaradaha iyo rakaabka saaran.

Dhibaatada ugu weyn ee ay ka cabaanayaan mas’uuliyiintan ayaa ah dhibaato badan oo ay ku qabaan maamul goboleedyada, sida markii ay gobolka geeyaan qof ay dhibsanayaan madaxda maamullada oo diyaarada la khal khal galiyo, loo diido iney soo degato ilaaa la gaarsiiyo in Gawaari Ciidan la dhigo goobihii ay diyaaradaha ku dagan lahaayeen.

Arrintan ayaa ku soo beegmeyso xili diyaarad siday shacab Talaadadii loo diiday inay ka degto degmada Luuq, sababo la xiriira inuu saarnaa Guddoomiyihii degmada Luuq ee gobolka Gedo, garabkii taageersanaa maamulka Jubbaland, Maxamed Cabdullahi Gar-dhuub, waxaana dhibaatooyinkan la sheegay iney hormuud ka yihiin ciidankii taabacsanaa Farmaajo oo wali gobolka Gedo gacanta ku haya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More