Maamulka gobolka Banaadir oo burburiyay dhismooyin ku yiil degmada Kaaraan

Dowladda Hoose ee Xamar ayaa howlgal lagu burburinayay dhismooyinka sharci darada ah ee laga dhisay hareeraha waddooyinka ka fulisay Degmada Kaaran, iyadoo howlgalkaasi uu goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).

Bur-burintaan ayaa laga fuliyay inta u dhaxeysa Isgoyska jiirada illaa Xaawa Casir, iyadoo uu noqon doono mid sii socda si loo fuliyo amarka Duqa magaalada Muqdisho ee ku aadan in aan marnaba la aqbali doonin goobaha sida sharci darrada loo dhistay hareeraha waddooyinka.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Salax Xasan cumar oo howlgalka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay qeyb ka tahay bilic soo celinta Caasimadda, isagoo xusay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’antahay joogteynta bur burinta dhismayaasha sharci darrada ah

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More