Alshabaab oo la wareegay deegaanka Ceeldheere ee gobolka Galgaduud

Wararka ka imanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyaad katirsan Al-Shabaab ay la wareegeen deegaanka Ceel-dheere oo magaalada Dhuusamreeb u jira 30km.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa burburiyey xarumihii maamulka Iyo ciidanka ee deegaanka Ceel-dheere iyagoo ku xirey waxyaalaha qarxa.

Deegaanka Ceeldheere ayaan wax iskahorimaad ah ka dhicin iyagoo si fudud kula wareegay Alshabaab deegaankaas oo hore ay ugu sugnaayeen ciidamada maamulka Galmudug.

Waxaa jira cabsi xoogan oo ka jira degmada Guriceel oo ku dhow deegaanka Ceel-dheere, mana jirto wax dhaqdhaqaaq ah oo ay wadaan ciidamada dowlada.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka wada deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud iyo gobolka Hiiraan iyagoo dhawaan la wareegay degmada Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More