Maamulka Jubbaland oo ka hadlay duqeynta gobolka Gedo

Maamulka Jubbaland ayaa marki ugu horeysay ka hadlay duqeymo la sheegay in ay diyaaro ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Wasiirka Amniga Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumal) ayaa sheegay in duqeymaha noocaas ah aan loo baahnayn in mar dambe ay dhacaan.

“Dhacdooyiinkii ka dhacay degmada Ceelwaaq iyo Ceel Cadde oo ahayd arrinta duqeynta ay wax ku noqdeen dad shacab ah waxaa loo baahan yahay in aysan mar dambe dhicin arrintaas islamarkana waan ka tacsiiyaynaynaa dadkii wax ku noday. from Jeneraal Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumal) Wasiirka amniga jubbaland,”ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha Jubbaland.

Dhacdooyiinkii ka dhacay degmada Ceelwaaq iyo Ceel Cadde oo ahayd arrinta duqeynta ay wax ku noqdeen dad shacab ah waxaa loo baahan yahay in aysan mar dambe dhicin arrintaas islamarkana waan ka tacsiiyaynaynaa dadkii wax ku noqday.

Jeneraal Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumal) oo dhowaan loo magacaabay xilka wasiirka Amniga Gudaha Jubbaland ayaa intaa ku daray in baaritaan ku saabsan duqeymahaasi la sameyn doono, loona baahan yahay in dowladda fedaraalka ay arrintaasi daba gasho.

Qaar kamid ah dadka ku dhaawacmay duqeynta ka dhacday gobolka Gedo ayaa la keenay magaalada Muqdisho si loogu daweeyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More