Macalin Axmed iyo Haweeya: Waa qiso dhacday oo duruufo iyo waayo qalafsan dhex-jibaaxaysa. Q/1aad.

Qarnigii sagaal iyo tobnaad badhtamihiisii, waxa  gelbeedka dhulka Somalida meel ka mid ah, macalin ka ahaa nin la odha jiray macalin Axmed oo caruurta Qur’aanka u dhigi jiray.

Macalin Axmed, waxa uu guur la’aan ku gaadhay da’aha kontomaadka isaga oo awoodi-kari-waayay, in uu bixiyo geelii faraha badanaa ee xilligaa hablaha yaradka  looga qaadan jiray. 

Macalin Axmed, waxa caruurta uu Qur’aanka u dhigo mushqaayad ahaan uga qaadan jiray, qaalin geel ah oo la gudoonsiiyo marka uu ardayga  30ka Jis ee Qur’aanka  ah dhameeyo. Nasiibdarrro se,   ardaydu inta badan 30ka Jis ee Qur’aanka ah may dhamayn jirin. Sababtuna waxay ahayd,   bulshadii ay ka soo jeedeen  ayaa ahayd reer guuraa hadba dhinac u hayaanta. 

Inkasta oo macalin Axmed uu ahaa nin konton sano baarka ka jaray, oo ay calaamadihii da’duna ka muuqdaan, hadana waxay duruufaha  iyo waayuhu  ku qasbeen in uu  habeenkii  kaligii Ardaa cidla’a   dhaxanta iyo dabaysha ku weheshado. 

Waxa se taa kaga sii lur iyo xanuun badnayd,  marka uu maqlo dam-damta iyo damaashaadka aroosyada ee habeen iyo maalin ay dhagihiisu ka ladi-la’yihiin.

 Iyada oo ay arrintaasi  ku abuuraysay, hanqaaran iyo hiyikac xoog badan oo qalbigiisa sida dabaylaha u gil-gilayay. 

 Macalin Axmed waxa uu hadba  halacsiga daymada indhaha ku dhuftaa, gabadh daruurtaa u eg oo loo galbinayo wiil uu da’ahaan dhali karo, laakiin se nasiibka iyo waayuhu kala hor mariyeen. Waxa uu marba  is waydiiyaa,  goorta uu isna aroos ilo-xidhan u  galban doono.  

Waxa uu xaalku sidaa ahaadaba, habeenada iyo maalmuhuna isda socdaanba, waxa goor aroor ah macalin Axmed oo ardaydiisii  Qur’aanka u subcinaya la soo joogsaday, nin la odhan jiray Guuleed iyo wiil yar oo uu dhalay oo isna Hirad la odhan jiray.

Guuleed waxa uu ka mid ahaa, dagmada uu macalinku caruurta  Qur’aanka ugu dhigo. Sidoo kalena guuleed iyo macalin Axmed aqoon fiican, ayay isku lahaayeen.

 Hadaba markii la isbariidiyay, xaaladda iyo waayahana  la is warsaday, Guuleed waxa uu macalin Axmed ka codsaday in uu wiilkiisa 30ka Jis ee Qur’aanka ah, u dhameeyo.

Waxa kale oo uu Guuleed intaa raaciyay,  haddii aad  macalin Axmedoow wiilkan u  30Jis ee Qur’aanka ah u dhamayso, anna waxaan  siin doonaa Inantayda Haweeya.

Macalin Axmed markii uu maqlay hadalkaa dhagihiisa ku soo dhacaya, waxa uu u maleeyay in uu riyoonayo, hadalka uu maqlayaana yahay dhalanteet iyo riyo habeenimo.

Isaga oo macalin Axmed Su’aal dag-dag ah ku celiyay Guuleed, kana codsaday in uu mar labaad ugu celiyo hadalkii uu yidhi. Guuleedna waxa uu mar labaad ugu celiyay hadalkii uu yidhi oo ahaa,  “inantayda Haweeya ayaan ku siin doonaa, haddii aad macalin Axmedoow Hirad  30ka Jis ee Qur’aanka ah  u dhamayso”.

Macalin Axmed markuu  rumaystay in hadalka Guuleed ka soo yeedhayaa uu yahay in la siin-doono Haweeya oo raggii boqolka halaad haystayba ka huleeleen, waxa ku soo da’ay daruuro farxad iyo bushaaro xambaarsan oo shucuurkiisii sida dhibicda roobka  ugu hooray. Waxaana la arkayay isaga oo ay dareen-wadayaasha  jidhkiisu  gabi ahaanaba la kurbaynayaan farxadda iyo ray-raynta hadhaysay. 

Markii uu Guuleed inta uu Hirad gacanta ka galiyay macalin Axmed  una  dhaqaaqay jahadii  uu reerkiisu xigay, waxa la arkayay macalin Axmed oo sidii qof naxsan Hirad   gacanta ka buuxsaday.

La soco qaybo  kale oo xiiso leh  iyo halka uu xaal kuu denbeeyo.
Cumar Axmed Cali
cumaraxmed331@gmail.com

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More