Madaxda Dalalka IGAD oo kulan deg-deg ah ka yeeshay dagaalka Sudan

Apr. 16 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay wada-hadallo degdeg ah oo ay yeesheen Madaxda Dalalka Urur Goboleedka IGAD, kuwaas oo ay kaga arrinasadeen iska-hor imaadyada hubaysan ee ka socda dalka Suudaan.
Shirkan oo ahaa mid Madaxdu ay ku yeesheen habka fogaan aragga ah ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu la wadaagay hoggaamiyeyaasha kale ee dalalka IGAD sida dowladda Soomaaliya ay uga walaacsan tahay xaaladda dalka Suudaan, ayna codkeeda heer gobol iyo heer qaaradeedba ay ku garab istaagayso nabadda, midnimada iyo dowladnimada walaalahooda Suudaan oo hiil taariikhi ah u muujiyey dalkeenna, xilliyadii adkaa.

Ugu dambayn, madaxda dalalka IGAD ee shirkan ka qayb galay ayaa isku raacay in si deg-deg loogu diro dalka Suudaan wafdi ka shaqeeya joojinta colaadda iyo billaabidda wadahadallo lagu dhammeynayo caqabadaha jira, si loo celiyo nabadda iyo xasilloonida dalka Suudaan.

Ururka IGAD, ayaa qorsheynaya inuu u diro dalka Sudan madaxweynayaasha Kenya, South Sudan iyo Djibouti si ay u heshiisiiyaan dhinacyada ku dagaallamaya dalka Suudaan, sida laga soo xigtey xafiiska madaxweynaha Kenya William Ruto. .

“IGAD waxa ay go’aansatay in ay u dirto Madaxweyne Kiir, Madaxweyne Ruto iyo Madaxweyne Geelle wakhtiga ugu macquulsan si ay u heshiiyaan kooxaha iska soo horjeeda,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ruto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More