Xildhibaan hore iyo walaalkii oo lagu diley Hindiya iyadoo si toos ah looga daawanayay Baraha Bulshada

Apr. 16 (Jowhar.com)-Xildhibaan hore oo ka tirsanaa baarlamaanka Hindiya iyo walaalkii ayaa la diley iyagoo ku jira gacanta ciidamada Booliska loona galbinayay isbitaal xilli si toos ah looga daawanayay qaar ka mid ah taleefishinada dalka Hindiya iyo Baraha Bulshada.

Muuqaallada ragga la dilay ayaa lagu baahiyay baraha bulshada iyadoo la arkayay nin bastoolad ku fiiqaya Atiq Ahmed kadibna madaxa ugaga dhufanaya rasaas magaalada Prayagraj, sidoo kale loo yaqaan Allahabad..

Walaalkii oo lagu magacaabi jiray Ashraf Axmed, ayaa sidoo kale la toogtay iyagoo isla goobta ku dhintey, booliiska ay si degdeg ah u xirey saddex nin oo looga shakisan yahay inay dilka fuliyeen.

Warar ay heshay warbaahinta ayaa sheegaya in ragga dilka geystay ay iska dhigayeen wariyeyaal.
Mid ka mid ah ayaa isla markiiba is dhiibay toogashada ka dib, iyadoo ciidamada ay xoog ku qabteen labadii eedaysane ee kale.

Waxay ka mid ahaayeen dad isugu soo baxay iyadoo labada walaalaha ah, oo lagu eedeeyay inay madax ka ahaayeen urur dambiilayaal ah, waxaana loo sii waday labadan walaalaha ah isbitaal si baaritaan caafimaad ay u helaan. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay hal askari dilka loo geystey labadan walaalaha ah.

Saddexda nin ee loo qabtay falkan ayaa sheegay inay doonayeen oo kaliya inay noqdaan dad caan ah oo ulajeedo kale aysan ka lahayn dilka labada walaalaha ah.

Maamulka gobolka uu falkan ka dhacay oo uu gacanta ku hayo Ra’iisul Wasaare Narendra Modi ee xisbiga wadani ee Hinduuga, ayaa amartay in baaritaan maxkamadeed lagu sameeyo dilka.

Todobaadki hore booliiska ayaa ku toogtay wiil uu dhalay Atiq Ahmed gudaha magaalada Jhansi. Waxaa loo baadi goobayay kiis dil ah oo la baarayay taasoo qeyb ka ahayd howlgallada ballaaran ee lagula kacay maafiyada dhulka ee ka howlgasha Uttar Pradesh.

Booliiska gobolka Uttar Pradesh ayaa dilay in ka badan 180 qof oo looga shakiyay dambiyo lixdii sano ee lasoo dhaafay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More