Madaxda Jubaland, Puntland iyo Koofur Galbeed oo dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah dowladda ka wada Nairobi

Sep 27 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee xarunta dalkaasi Kenya ayaa ku waramaya in halkaasi uu ka socod dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, iyadoo halkaasi ay kulamo qarsoodi ah ku yeesheen qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaxda maamulada Jubaland Axmed Madoobe, Puntland Siciid Deni iyo Koofur Galbeed C/casiis Lafta-gareen ay kulamo ku yeesheen xarunta dalkaasi Kenya, iyagoo iska xog-wareystay xaalada uu haatan dalka ku sugan yahay.

Kulamada ugu dhaadheer waxaa wada yeesheen Siciid Deni iyo Lafta-gareen oo labadooduba wajahaya mucaarado adag oo salka ku haya qabashada doorasho, xili mucaaradkooda ay tuhmayaan in dowladda dhexe ay garab-siineyso.

Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen ayaa sidoo kale kulan gaara yeeshay iyagoo iska xog-wareystay sidii loo xoojin lahaa isbaheysigooda, lama oga waxa uu Axmed Madoobe saluugsan yahay, maadaama uu xiriirka kala dhexeeyo xukuumada Muqdisho uu wanaagsanaa, wallow dowladda aysan jecleysan wakiilka uu dhawaan u magacawday dalkaasi Kenya.

Arrimahan oo dhan ayaa kusoo aadaya xili madaxweyne Xasan Sheekh uu mudo kudhow 50 cisho ku sugan yahay Dhuusa-mareeb, halkaasoo uu ku wado abaabulka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Puntland, Jubaland iyo Koofur Galbeed, Lafta-Gareen iyo Deni oo is arkay  Doorashada

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More