Askari loo xiray qarixii Ismiidaaminta ahaa ee magaalada Beledweyn

Sep 27 (Jowhar.com)-Taliyaha ciidanka Booliiska degmada Baledweyne Axmed Cali Aadan ayaa macluumaad dheeraad ah ka bixiyay howlgalo culus oo ay maalmahan wadeen kadib qarixii Ismiidaaminta aahaa ee 23-kii bishan ka dhacay magaalada Beledweyne.

Taliyaha oo u waramay VOA-da ayaa sheegay iney gacanta kusoo dhigeen askarigii ku qornaa barta-kontrol uu kasoo gudbay gaariga qaraxyada culus ay ku rarnaayeen ee sabtidii ka dhacay xarunta gobolka Hiiraan, kaasoo galaaftay nolosha dad fara badan.

Taliye Axmed Cali Aadan ayaa hadalkiisa intaasi kusii daraya in askarigan sharciga la horgeyn doono iyadoo eediisa ay tahay inuu wax ka fududeeyay weerarkaasi, sidoo kalena ay ku raad joogaan rag kale oo waaran u jaran yahay, islamarkaana ay soo qaban doonaan ciidamada.

Qaraxaasi oo loo adeegsaday gaari xamuul oo weyn ayaa sababay dhimashada dad gaaraya 30 ruux, halka dhaawaca uu ka badan yahay 50 ruux oo kale, waxaa sidoo kale burbur baaxad leh uu gaaray dhismayaal ganacsi iyo guryo ku yaalay xaafadaha Kooshin iyo Xaawo taako.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qaraxaasi uu bartilmaameedkiisa ahaa magaalada Dhuusa-mareeb, balse Beledweyn uu ku qarxay kadib markii ciidamo deegaanka ah ay ka shakiyeen gaariga kadibna ay rasaas in mudo ah ku eryanayeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More