Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo maanta ku kulmaya Garowe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta booqasho ku tagaya caasimadda Puntland ee Garoowe.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kula kulmaya Madaxweynaha Puntland Saciid Deni magaalada Garowe iyagoo ka wada hadli doona arrimaha doorashooyinka.

Kulankooda ayaa waxa ay diirada ku saari doonaan doorashada xildhibaannada Golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo la filayo inay dhawaan ka bilaabato dowlad goboleedyada dalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni oo laga yaabo inuu isu soo sharaxo xilka Madaxweynaha Soomaaliya uu ka doonayo taageero Madaxweyne Axmed Madoobe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More