Olusegun Obasanjo oo ku baaqay xabad joojin deg-deg ah

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika Olusegun Obasanjo ayaa ka digay in wada hadal aan nabad looga dhalin karin Itoobiya inta uu dagaalku sii xoogaysanayo.

Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo, ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay wadahadallada suurtagalka ah, balse loo baahan yahay in dhammaan dhinacyada ay joojiyaan dagaalka oo la helo fursad abuuri karta wadahadal.

Obasanjo ayaa ka dhoofay Itoobiya Khamiistii ka dib markii uu la kulmay ra’iisul wasaare Abiy Axmed iyo hoggaanka jabhadda Tigray People’s Liberation Front (TPLF), halka ergeyga gaarka ah ee Mareykanka Jeffrey Feltman uu sidoo kale booqasho ku tagay dalka todobaadkii hore.

Dagaalyahannada Tigreega ayaa sheegay in aan wax gorgortan ah la geli karin dowladda ilaa maamulka federaalku uu ogolaado in gargaar la gaarsiiyo gobalka Tigray.

Addis Ababa ayaa sheegtay in ay tahay in qoomiyada Tigreegu ay garwaaqsadaan sharcinimada dowladda ayna ka baxaan gobollada Axmaarada iyo Canfarta.

In ka badan 12 bilood oo dagaal u dhexeeya ciidamada federaalka iyo ciidamada Tigreega ayaa galaaftay nolosha kumannaan qof, waxaana ku barakacay in ka badan laba milyan oo qof, iyadoo boqolaal kun ay soo food saartay xaalad macaluul oo kale ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More