Madaxweynaha Galmudug oo maanta furay kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka.

August 01 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulma Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor, ayaa maanta furay kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka Galmudug oo maanta ka furmay Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Dhuusamarreeb.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ay ugu horeyso saameynta abaaraha, guulaha laga gaaray dhanka amniga, dhismaha dowladaha hoose, dhaqaalaha, adeegga bulshada iyo mashaariicda horumarineed.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale u mahad celiyay Baarlamaanka Galmudug iyo howlihii ay soo qabteen afartii kalfadhi ee hore, wuxuuna kula dardaarmay in la dardargeliyo howlo qorsheedka horyaalla kalfadhigan shanaad ee baarlamaanka.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa si rasmi ah u furay Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka Dowladd goboleedka Galmudug.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More