Madaxweynaha Galmudug “Sax ma ahan muddo kordhin, dad baa eed ka qaadi doona…”

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo wareysi siiyay mid ka mid ah telefshinada ayaa sheegay in aanay sax aheyn in xilligan uu dhaco muddo kordhin, isagoo tilmaamay in dalka uu doorasho geli doono.

Axmed Qoorqoor ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed aanay jirin wax ka qarsoon, isla markaana la is ogyahay, cida ku lugta leh arrimahaas ay ku eedoobi doonto.

“Sax ma ahan muddo kordhin inuu dhaco baahi loo qabo ma aaminsani muddo kordhin inay sax tahay, doorasho ayuu dalka galayaa, waa ku kalsoonahay waana qabaa dalku doorasho galayaa”ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Madaxweyne Qoorqoor oo sii hadlayay ayaa yiri “dad unbaa  wax ku raaci doona oo eedo ka qaadi doona wax kasta is tiraahdo farsamey qurxi qurxi dadka soomaaliyeed waxba kama qarsoono waa la is ogyahay, cid kasta oo qodax ku ah arrimaha doorashada waxaa u rajeynayaa inay ka waantowdo oo la iska daayo dadka iyo dalka loo tanaasulo”

Guddoomiye Maxamed Mursal iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay ka shaqeynayeen muddo kordhin, iyadoo isku dayga ahaa in Baarlamaanka la marsiiyo muddo kordhin labo sano ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More