Wararkii u dambeeyay shirka Golaha Shacabka iyo shakiga ku aadan muddo kororsiga

Shaki iyo guux weyn ayaa ka soo baxaya shirka maanta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ku leeyihiin Xarunta Villa Hargeysa.

Farriin qoraaleed xalay loo diray Xildhibaannada ayaa lagu wargeliyay in kulanka ku saabsan yahay mooshin laga keenay doorashada.

Wararka ayaa sheegay in diyaarinta mooshinkaas uu labadii maalmood socday, iyadoo xildhibaanno dibadda ku maqnaa ay dalka dib ugu soo laabteen.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday qorshaha mooshinkan oo Madaxtooyada kala shaqeyneysay.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in kulanka maanta uu yahay dooda mooshinkan, ayna dhici karto in doodda hal maalin qaadato ama ka badato.

Sidoo kale waxaa la filayaa in doodda ay noqoto heshiiskii doorashada 17 September oo wali aan la fulin, khilaafna uu ka taagan yahay, waxaana xildhibaannada taageersan muddo kororsiga ay dalban doonaan in heshiiskaas la laalo.

Wararka ayaa intaa ku daraya inuu jiro isku day loogu yeerayo Guddoomiye Xaliima Yarey, si Baarlamaanka u horkeento qorshe ku saabsan in dalka uu aado doorasho qof iyo cod ah mudada ay intaas qaadan karto.

Hadal heynta ugu badan iyo wararka ka soo yeeraya Xildhibaannada taageersan muddo kororsiga ayaa ah labo sano ku darsasho ah.

Beesha Caalamka iyo Midowga Musharaxiinta ayaa horay uga digay muddo kordhin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More