Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo la kulmay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee Dalka Soomaaliya haatana ah musharax Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Kulanka oo ka dhacay hoyga Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed waxaa diirada lagu soo saaray Arrimaha doorashooyinka dalka.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen sidii wanaagsaneyd ee uu hogaamiyay doorashadii xubnaha Aqalka sare ku matalaya Dowladda Hirshabeelle, oo u dhacday si daahfuran.

Dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa ka mid ah deegaanada ay ka dhici doonaan doorashada XIldhibaanada Golaha Shacabka iyadoo dhawaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Jowhar xarunta Hirshabelle doorashada xubnaha Aqalka Sare ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More