Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay saraakiil ka tirsan safaarada Maraykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga dowlada Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan la qaatay Saraakiil ka socda Safaaradda Dowlada Mareykanka Ee Soomaliya iyagoo ka wadahadlay sii xoojinta xiriirka milatari ee u dhexeeya labada dowladood.

Kulanka aya diiradda lagu saaray Xoojinta Taageeradda Dowlada Mareykanka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo iskaashiga dhanka militariga.

Dowlada Maraykanka ayaa ka caawisa dowlada Soomaaliya tababarida ciidamada gaarka ah ee DANAB ee xaruntoodu tahay Balli-Doogle.

Hase yeeshee xukuumada Maraykanka ayaa kala baxday dalka Soomaaliya inta badan ciidamadii hore u joogay oo tababarka siin jirey ciidamada Milatariga Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More