Madaxweynaha Hirshabelle oo booqday Buqda Baareey (Sawiro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Ali Gudlaawe Hussein ayaa maanta socdaal kormeer ku tagay Tuulada Baareey oo dhowaan uu ku fatahay Wabiga Shabeelle.

Madaxweynaha oo kormeerkiisa ay ku wehliyeen Wasiiro, Xildhibaano iyo Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa indha indheeyay goobta uu fatahaada ka sameeyay Wabiga oo howlo lagu xirayo ay ka socoto.

Madaxweynaha ayaa sheegay in fatahaadaha ay saameeyen in kabadan 25 tuulo, dhibaatada ugu badana ay ku dhacday Tuulada Baareey oo dadkii daganaa ay ka barakaceen fatahaada, xaalad adag oo dhanka nolosha ahna ay ka jirto.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa deeq kala duwan oo raashin iyo daawooyin ah ku wareejiyay dadka ku nool Tuulooyinka Baareey iyo Geedo barkaan oo fatahaada Wabiga Shabeelle ay saameysay isagoo bulshada Soomaaliyeed iyo Jaaliyadaha ugu baaqay inay usoo gurmadaan dadka ay dhibaateeyeen fatahaada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More