Shariif Sheekh;”Fursad uu ku guto Mas’uuliyadiisa ha la siiyo Ra’iisul Wasaare Rooble”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa bogaadiyay dadaallada uu waddo Ra’iisul wasaare Rooble oo ku aadan arimaha doorashooyinka dalka.

Waxaa uu ugu baaqay in shirka 20-ka bishaan xoogga la saaro si dalka uu aado doorasho deg deg ah oo ku dhacda xilligii loogu tala galay.

Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa u qornaa sidan;

Waxaan rajeynayaa kulanka 20ka bishan loo madlan yahay kaas oo looga hadlayo dhamaystirka heshiiskii doorasho ee 17 September inuu noqdo mid mira dhal ah oo guulaysta si dalku u galo marxalad doorasho oo nabdoon, raallina laga wada yahay taasoo fure u noqon doonta in lagu qanco natiijada Doorashada.

Waxaan sidoo kale kalsooni buuxda ku qabaa dadaalada socda ee xal u helidda arrimaha Doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, anigoo aaminsan in R/Wasaaraha lasiiyo fursad uu ku guto mas’uuliyadda weyn ee laga sugayo ee ah qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More