Madaxweynaha Jabuuti oo la kulmay ra’iisul wasaare Xamze

Dec 20 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyada aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wada hadleen, xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti uga mahadceliyay doorka ay ka qaataan dowlad dhiska iyo amniga Soomaaliya, xilliyadii kala duwanaa ee la soo maray, isaga oo xusay in Jabuuti ay tahay walaal iyo saaxiib muhiim ah oo ay Soomaaliya leedahay.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dowladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay guulaha waaweyn ee ay ka soo hoysay muddada kooban, dagaalka ay ku ciribtireyso Khawaarijta , qaadista Cunaqabateynta hubka, ku biirista suuqa ganacsiga Bariga Afrika iyo cafinta deyntii lagu lahaa Soomaaliya.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More