Madaxweynaha Jubaland oo dacwad ka dhan ah Sen.Fartaag u gudbiyay gudoomiyaha Aqalka sare.

Jan. 01 (Jowhar.com)-Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe oo ku sugan caasimadda dalka uu dacwad ka dhan ah Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag u gudbiyay gudoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Saraakiil ku dhow Axmed Madoobe ayaa sheegay in gudoomiye Cabdi Xaashi uu tilifoon ku wacay Senator Fartag isagoo u sheegay inuu deg deg ugu soo laabto magaalada Muqdisho, hadii kalena talaabo uu xilkiisa ku weynayo uu ka qaadayo Aqalka Sare.

inkastoo shirkii madasha wadatashiga qaran uu soo dhamaaday, hadana wali Axmed Madoobe dib ugama laaban magaalada Miqdisho, taasoo ay sii dheer tahayba inuu magaalada isna yimid kuxigeenkiisa Maxamuud Seyd Aadan oo ka soo jeedo gobolka ay xasarada wali ka oogan tahay ee Gedo.

Labadan mas’uul ayaa doonaya iney dhinac u ridaan muranka gobolka, waxeyna dowladda ku cadaadinayaan iney dib gacantooda ugu soo celiso gobolkaasi oo saddexdii sano ee la soo dhaafay ka go’naa maamulka Jubaland.

Lama oga waxa uu noqon doono mowqifka dowladda ee arrintan, waxaase jira xogo tilmaamaya in madaxtooyada dalka ay damacsan tahay in gobolkaasi uu sidiisa ahaado oo uu hoos joogo dowladda, malafkiisana ay sii heysato hay’ada NISA ee uu agaasimaha ka yahay Mahad Salaad oo dhawaan Gedo safar gaaban ku tagay

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More