Madaxweynaha Jubbaland oo maanta ku soo wajahan Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta la filayaa in maanta uu soo gaaro magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo shirka dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo maalmaha soo socda ka furmaya Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa gelinka dambe ee maanta la filayaa inuu yimaado, waxaana uu degi doonaa xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo looga diyaariyay hoy.

Wararka ayaa sheegaya in amnigiisa ay sugayaan Ciidamada AMISOM iyo ciidan ka mid ah kuwa gaarka ah ee Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa horay shuruud ugu xiray imaanshihiisa Muqdisho, isagoo soo jeediyay in shirka uu ka dhaco meel amni ah oo lagu kalsoonaan karo.

Shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa ka dhici doona Teendhada Afisyooni oo ahaa halkii ay ka dhacday doorashadii 8 February ee lagu doortay Madaxweyne Farmaajo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More