Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar oo waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay

Madaxweynaha dalka Masar Abdelfatah Al-Sisi ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u qaabilsan dalka Masar Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar.

Safiir Ilyaas oo la magacaabay bishii Janaayo ee sanadkan 2021, ayaa bishii Febraayo la soo aqbalay, iyadoo magacaabidiisa iyo aqbaaladiisa aysan wax badan u dhaxeyn.

Magacaabida Safiir Ilyaas ayaa la sheegay inay bilow u aheyd soo hagaagida xiriirka Soomaaliya iyo Masar oo labadii sano ee la soo dhaafay ahaa mid mugdi galay, iyadoo muddo labo sano aysan Safaaradda Soomaaliya ee Masar ay aheyd Safiir la’aan.

Soomaaliya iyo Masar ayaa lahaa xiriir soo jireen dhinacyada kala duwan, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, dhaqanka iyo waxbarashada, waxaana Masar ku soo waxbartay arday fara badan oo Soomaaliyeed oo jaamacadaha dalkaas ka soo baxay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More