Madaxweynaha Puntland Deni oo isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada.

Mar 31 (Jowhar.com) –Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa isku shaandheyn ku sameeyay qaar kamid ah wasiirada maamulkiisa, iyadoo arintanna lagala tashtay Axmed Karaash oo ah madaxweyne kuxigeenka.

Isbedelkan ayaa saameeyay Wasiirada,wasiir kuxigeenada iyo wasiiru dowlayaasha Puntland, iyadoo xubnahan cusub la faray iney dar dar galiyaan howlaha horyaala oo si deg deg ah xil wareejin loo sameeyo.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland oo lagu soo bandhigay magacyada wasiirada iyo xilalka loo dhiibay ayaa u qornaa sidan;

Bedel

1. Waxaa Maxamed Cali Nuur (Jubba) loo Bedelay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Magacaabid

1. Waxaa Maryan Maxamed Abshir loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.

2. Waxaa Maxamed Cabdi Cilmi loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.

3. Waxaa Maax Axmed Yuusuf loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.

4. Waxaa Xaashi Xuseen Faarax loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.

5. Waxaa Aadan Cabdi Jaamac loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Beeraha.

6. Waxaa Salmaan Farxaan Suudi loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha.

7. Waxaa Cabdullaahi Siciid Awyusuf loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda.

8. Waxaa Agaasimaha Guud ee TV-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland loo magacaabay Cali Cabdi Cali Faarax.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More