Madaxweynaha Puntland oo socdaal qarsoodi ah isugu marayo Imaaraatka Carabta iyo Kenya.

July 04 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar warbaahinta laga qariyay uga ambabaxayo garoonka magaalada Garoowe, isagoo ku sii jeeda dalka isu taga Imaaraatka Carabta.

Wararka la helayo waxa ay sheegayaan inuu madaxweyne Deni uu sii mari doono magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaasoo uu kulamo gaar ah uu kula yeelan doono madaxda dowladda Kenya iyo qaar kamid ah siyaasiyiin hore xilal uga soo qabatay Puntland oo saldhigtay dalkaasi Kenya.

Ilo lagu kalsoonaan karo oo ka tirsan maaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in socdaalkan uu salka ku hayo arrimo siyaasadeed, iyadoo uu ku soo beegmay maalmo kadib markii uu Sciid Deni bedelay mowqifkiisii hore uu ku diidanaa magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Xamse Cabdi Barre.

Deni oo ku hungoobay inuu ku guuleysto xilka madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa dadaal ku bixiyay sidii loo siin lahaa xilka ra’iisul wasaaraha ama qof Puntland ka soo jeeda loogu magacaabi lahaa, balse madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xilkaasi u dhiibay Xamse oo ka soo jeeda Jubaland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More