Madaxweyne Cali Guudlaawe oo la kulmay Wakiillo ka socda hay’adda FAO

April 29 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta kulan la qaatay wakiillo ka socday Hay’adda Cuntada iyo Beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobe ee (FAO).

Waxana shirkaas goobjoog ahaa Wasiirka Wasaarada Beeraha ee Dowladda Federalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir iyo Wasiirka Wasaarrada Beeraha Hirshabeelle Maxamed Faarax Cali

Shirkan ayaa diirrada lagu saaray dhammeystirka mashaariicdii horay u socotay, bilaabida mashaariic cusub iyo qaabeynta howlaha labada dhinac hor-tebinta u leh.

“Dowladda Hirshabeelle waxa ay diyaar u tahay wax walba oo dhankeeda ah, si loo qabto howl-hufan oo labada dhinac taariikh u sameyso.”ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle.

Ugu dambeyn madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ka mahadceliyay dadaalka FAO ay ku bixineyso deeganada Dowladda Hirshabeelle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More