Wafdi sare oo ka socday dowladda Mareykanka oo ka baaqday safar ay ku tagi lahaayeen Boosaaso

April 29 (Jowhar.com)-Wefti sare oo ka socda Dowladda Mareykanka oo ay hoggaaminayaan madaxda Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa maanta ka baaqday booqasho ay ku tegi lahaayeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Sida macluumaadka hordhaca ah ay tilmaamayaan, arrintan ayaa timid ka dib is-fahan-waa ka dhashay cidda sugeysa amnigooda.

Ciidamada Badda Puntland oo gacanta ku haya Garoonka Boosaaso iyo Xoogagga PSF ayaa la sheegey in dhinac kasta isu diyaariyey qaabiladda Mareykanka oo isgu taageera arrimaha Amniga guud ahaan dalka.

Majirto wax war ah oo ay Puntland iyo dowladda Mareykanka kasoo saareen arrintan, iyadoo si aad ah looga hadal hayo baraha bulshada ee Soomaalida ku xiriirto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More