Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 51-aad ee baarlamaanka Puntland.

Oct. 25 (Jowhar.com) -Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta furay Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada maamulkaas, waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigaanka Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa Dastuuriga ah ee furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka uga hadlay, Shaqooyinka Puntland u qabsoomay intii u dhexeysay labada Kalfadhi iyo qorsheyaasha hortebinta u leh maamulk.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Goleyaasha, Saraakiil Madaxtooyo, Guddoomiyaha Gobolka iyo Kan Degmada Garoowe, Ururada Bulshada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More