Madaxweyne Farmaajo oo amray in 3 maalmood calanka hoos loo dhigo kana tacsiyeeyay geerida Cali Mahdi

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Madaxeynihii 4aad ee dalka Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday magaalada Nairobi.

Qoraal laga soo saaray Madaxtooyada geerida kadib muddo saacado ah ayaa u qornaa sidan;

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee dalka

Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday dalka Kenya.
Waa geeri xanuun badan oo si weyn ay u wada dareemeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Alle ha u naxariisto Madaxweyne Cali Mahdi, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka. Waxaan ku xasuusanaynaa sida ay uga go’nayd in dib loo sooceliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo uu dadaal muuqda ku bixiyey.

Waxaan muddo saddex cisho ah hoos u dhigaynaa Calanka Jamhuuriyadda si aan u muujinno murugada geeridan ku timid Madaxweynihii hore ee dalka, iyadoo la magacaabayo guddi ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Alle waxaan u weydiinayaa Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More