Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Madaxweynihii hore Cali Mahdi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Cali Mahdi Maxmed.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa marxuumka Alle uga baryay in uu Jannadii Firdows ka waraabiyo, ehelkii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo

“INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN, waxaan rabaa halkan inaan uga tacsiyadeeyo geerida xanuunka badan ee ku timid Walaalkeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed, waxaan uga tacsiyadeeynayaa dhammaan qoyskiisa, eheladiisa iyo shacabka Soomaaliyeed, waa geeri xanuun badan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadalkiisa ku daray “Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed waxa uu ahaa ganacsade, wuxuu ahaa nabadoon, wuxuu ahaa siyaasi rug caddaa ah, waana halyeey ka baxay Ummadda Soomaaliyeed, waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed, qoyskiisa iyo eheladiisaba in uu Ilaahey Samir iyo Imaan ka siiyo, waxaana Alle SWT uga baryayaa janatul fardowso in uu Ilaahey ugu bishaareeyo”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More