Madaxweyne Guudlaawe oo la kulmay xildhibaanada labada aqal ee Hirshabelle

April 25 (Jowhar.com) – Madaxweymaha maamulka Hirshabelle Cali C/llaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa xalay magaalada Muqdisho kula kulmay xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo ka soo galay deegaanada Hirshabelle.

Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan arrimaha doorashooyinka iyo sidii xubnaha baarlamaanka ka soo galay gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe ay kaalin uga qaadan lahaayeen doorashada gudoonka aqalka sare ee maalinimada beri ah ka dhaceysa Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu si cad ugu sheegaya xildhibaanada iney u midoobaan sidii ay u soo saari lahaayeen musharax Cali Shacbaan oo ka soo jeeda Hiiraan, kaasoo u tartamaya xilka gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee aqalka sare.

Cali Shacbaan oo nin dhalinyara ah ayaa loolan adag kala kulmi doona Cabdi Xakiin Macalin Axmed oo ka soo jeeda Galmudug, kaasoo isaguna u taagan xilkan, iyadoo dhankiisa ay gadaal ka riixayaan madaxda iyo xildhibaanada ka soo jeeda maamulka Galmudug.

Waxaa todobaadkii hore fashil ku soo dhamaaday gogol ay Galmudug u dhigtay Hirshabelle oo ay ku dalbaneysay in loogu tanaasulo qaadashada kursiga gudoomiye xigeenka 1-aad ee aqalka sare, iyadoo xubnihii ka socday Hirshabelle ay ku adkeysteen iney tartamaan oo uu qof walba calafkiisa qaato, iyadoo aan la dagaalameyn.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More