Madaxweyne Qoorqoor oo magacaabay Musharaxiinta kursi ka tirsan Aqalka Sare

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku shaaciyay Musharaxiinta kursiga aqalka Sare ee uu hore iskaga casilay Yuusuf Geelle Ugaas Dhagey.

Wareegtadan ayaa lagu sheegay in labo xubnood ay ku tartami doonaan xubinta ka harsan Aqalka Sare ee dowlad goboleedka Galmudug,labada musharax ayaa waxa ay kala yihiin Wasiirka Maaliyada Galmudug Farxaan Cali Gaban iyo Naciimo Yuusuf Maxamed.

Yuusuf Geelle Ugaas oo hore ugu guuleystey kursigan dhamaadkii sanadkii la soo dhaafay ayaa iskacasilay xilkaas waxana uu markale ku guuleystey xubinimada Golaha Shacabka.

Akhriso; Wareegtada hoos ku xusan;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More