Madaxweyne Xasan iyo mucaaradka oo beri kulan ku leh magaalada Muqdisho

Dec 20 (Jowhar.com)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maalinimada beri ah kulan gaar ah la qaato qaar kamid ah siyaasiyiinta ugu tunka weyn Muqdisho, isagoo kala hadli doono arrimo xasaasi ah.
xubnaha uu madaxweyne Xasan la filayo inuu la kulmo waxaa kamid ah madaxweynihii 7-aad ee dalka Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre, Shariif Xasan Sheekh Aadan, C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo C/qaadir Cosoble.

Qaar kamid ah mas’uuliyiintan ayaa dhawaan dalka dib ugu soo laabtay si ay goobjoog uga noqdaan kulankan oo uu dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

madaxweynaha ayaa kala hadli doonaa sidii ay u taageeri lahaayeen qorshaha wax ka bedelka loogu sameenayo Dastuurka dalka, taasoo uu madaxweynaha kusoo qanciyay madaxda dowlad goboleedyada.

Sheekh Shariif iyo siyaasiyiinta kale ee mucaaradka ah ayaa qorsheynayey maalmahaan inay la kulmaan xildhibaanada, si ay ugu ololeeyaan in baarlamaanku diido qorshaha wax looga bedelayo dastuurka, gaar ahaan qodobada ay ku diidan yihiin Madaxweyne Xasan.

lama oga waxa kasoo bixi doona kulanka beri ka dhacaya aqalka villa Soomaaliya, madaxtooyada ayaa dadaalkeeda ugu badan isugu geyneysa sidii xubnahan looga dhaadhicin lahaa taageerida wax ka bedelka dastuurka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More