Madaxweyne Xasan oo deg deg looga saaray hool uu ku sugnaa oo uu dab ka kacay

Mar. 13 (Jowhar.com)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa deg deg looga saaray hoolka uu ka socday shirka qaran ee Waxbarashada dalka, kaasoo madaxweynaha uu maanta ka furay magaalada Muqdisho.

Sida wararku tilmaanayaan, dab xooggan ayaa ka kacay qeybo kamid ah hoolka oo ku yaala Afisyooni, taasoo keentay in madaxweynaha iyo mas’uliyiin kale hoolka banaanka looga saaro.

Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin waxa dabka dhaliyay ayaa hadana waxaa jiro warar sheegaya in dabka uu ka dhashay koronto, waxaana haatan socoto daminta, iyadoo hakad uu ku yimid shirka.

Muuqaalo iyo sawirro la soo bandhigay ayaa laga arkay qaar kamid ah martidii shirka oo dadaal ku bixineysa daminta dabkaasi, taasoo lagu guuleystay.

Warar hada nasoo gaaraya ayaa tilmaamaya in madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale hoolka dib loogu soo celiyay kadib markii lagu guuleystay daminta dabkaasi.

Jawiga ayaa haatan caadi kusoo noqday, waxaana dib u bilowday khudbadaha madaxda, madaxweyne Xasan ayaa la filayaa inuu goorshow hadlo

Shirka waxbarashada qaran oo soconaya mudo laba cisho ah ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda dowladda, bahda waxbarashada ee dalka iyo qaar kamid ah wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya, waxaana qorshaha uu yahay sidii dib u eegis loogi sameyn lahaa waxbarashada dalka guud ahaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More