Madaxweyne Xasan oo dhiigiisa ugu deeqay dhaawacyada qaraxyadii Zoobe,fariinna diray

Oct. 30 (Jowhar.com) -Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhiiggiisa ugu deeqay dadka dhaawacyada ka soo gaaray qaraxyadii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe, waxaana uu adkeeyay baaqiisa ahaa in loo istaago gurmadka iyo samata bixinta dadkii dhibaatada soo gaartay.

Sidoo kale waxaa uu boggaadiyay sida qaybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed ay dhiigga ugu deeqeen dadkooda; biyaha iyo cuntada, dharka iyo agabyada kale ee muhiimka ah ay u la gaareen dhaawacyada.

Si kastaba, Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dambe oo xalay ahayd kormeeray goobihii ay qaraxyadu ka dhaceen ayaa sheegay in qaraxyadaasi ay galaafteen nolosha 100 qof, halka tiro 300 ku dhowna ay ku dhaawacantay.

Tirada dhimashada ayaa laga baqdin qabaa inay ka badan tahay inta uu Madaxweynuhu sheegay, marka aad fiiriso inay weli qoysaska qaarkood la’yihiin xubno ka mida eheladooda, oo markii ugu war dambeysayna ku sugnaa Isgoyska Zoobe.

Qoysas badan oo degan Caasimadda Muqdisho ayaa waxaa guryahooda taala tacsida kuwii ay jeclaan, oo ku geeriyooday qaraxyadaasi oo masuuliyadooda ay sheegatay Al Shabaab

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More