Madaxweyne Xasan oo u safray Algeria, kulanna la qaatay wasiir ka tirsan Sudan.

Nov. 01 (Jowhar.com) -Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay u ambabaxay dalka Aljeeriya oo uu ka dhacayo shir madaxeedka wadamada Carabta.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku gudajiray safarkiisa wuxuu ku sii hakaday dalka Sudan, isagoo halkaas kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Suudaan Sarreeye Guud Yaasiin Ibraahim Yaasiin.

Madaxtooyada Soomaaliya faah faahin dheeraad ah kama bixin arrimaha ay ka wada hadleen madaxweyne Xasan iyo Wasiirka Gaashaandhigga dalka Sudan, iyadoo sidoo kale wali wax war ah aaney ka soo bixin xukuumada Khartuum.

Madaxweyaha dalka ayaa la filayaa in khudbadda uu ka jeedinayo shir madaxeedka wadamada Carabta uu ku faah faahiyo dagaalka dowladda ay kula jirto Shabaab, saameynta abaarta ku dhufatay dalka iyo adkeynta xiriirka dowladda ay la leedahay dalalka Caranta

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More