Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Asmara iyo kulan u socda isaga iyo Afwerki.

July 09 (Jowhar.com)-Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa gaaray magaalada Asmara, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki. Xasan Sheekh ayaa noqonaya Madaxweynihii labaad oo Soomaaliya oo booqasho ku taga Eritrea, tan iyo markii dalkaas gooni isu taagtay oo ay si rasmi ah uga go’day Itoobiya sanadkii 1993.

Xasan Sheekh ayaa la xusuustaa sida weyn uu u dhaliili jiray dowladda Eritrea, markii dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo uu xiriir dhow la yeeshay Isaias Afwerki.

Booqashadiisa Asmara ayaa ku saabsan xoojinta Xiriirka labada dal, iskaashiga, qiimeynta iyo xaalada kumanaan kun oo Ciidamo Soomaali ah oo dalkaas lagu tababarayay, isla markaana muran weyn uu ka dashay qaabkii Dhalinyaro Soomaaliyeed tababar loogu qaaday Eritrea.

Dhinaca kalena, Xog aan ka helnay Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in safarka Madaxweynaha ee Eritrea ay ahmiyadiisa koowaad ay tahay u kuurgelida iyo qiimeynta xaalada Ciidamadii tababarka loo geeyay dalkaas labo sano ka hor iyo sidii dib dalka loogu soo celin lahaa sida ugu dhaqsiyaha badan.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh sababta uu Eritrea ugu hormaray ay tahay in la ogaado baahiyaha ciidanka iyo haddii ay jiraan caqabado hortaagan dib u soo celinta ciidankaas, maadaama warar maalmihii la soo dhaafay soo baxayay ay sheegayeen in arrimo dhaqaale u xayiran yihiin soo daabulida ciidankaas, iyadoo la sheegayo inay jirto balanqaad dowladda Qatar horay ugu sameysay Xukuumaddii hore oo ahaa inay bixin doonaan dhaqaalaha ku bixi doona tababarka Ciidankaas kumanaanka gaaraya, waana tan keentay in Madaxweynuhu ku hormaro Eritrea ka hor inta aanu aadin dalka Qatar.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More